Saturday, April 22, 2017

thumbnail

MAAMUL GOBOLLEEDKA PUNTLAND OO AMARO CUSUB KA SOO SAARAY KOOX DIIMEEDKA AL-SAACIDUUN BIL-XAQ.

Shirkii Golaha wasiiradda Maamul gobolleedka Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne K/xigeenka dowladda Puntand eng Cabdixakiim cabdullahi Xaaji Cumar ayaa looga hadlay arrimaha kala ah  khatarta koox Diimeedka Al-saaciduun al-xaq.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka khamiislaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland ayaa amniga guud ee Puntland ku samayn-doonta di bu qiimeyn dhinac walba ah, gaar ahaan qaabka howl-galada magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Gollaha Wasiiradu waxay falanqayn dheer ka dib soo saareen amar cusub oo wax looga qabanayo Koox Diimeedka la magac baxay Al-Saaciduun Bil Xaq, oo golluhu uu ku tilmaamay  koox Baadiyeysan  oo Takfiir ah

Golluhu waxay sheegeen in kooxdani ay  khatar kutahay diinta Islaamka, Caqiidada, Amniga dadka iyo Dalka, waxayna amar ku bixiyeen in la soo tiro-koobo oo la diiwaangaliyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ama ay gacanta ku hayaan

“goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland, ka dibna gacanta lagu dhigo meelaha xarumaha u ah ururkaas, Lagana cayriyo shaqada xubin kasta oo lagu ogaado inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedkaas” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka gollaha XukuumaddaMaamul gobolleedka Puntland.

Gabagabadii, Kooxdan Al-saaciduun Bil-xaq oo dhammaan goboladda dalka laga dhawaaqay bishan, ayaa isla toddobaadkan waxaa amar lagu xaarantinimaynayo jiritaankooda waxaa soo saaray dowladda federaalka, waxaa kaloo lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Puntland Nadwo lagaga hadlayo khatarta caqiidada ay xambaarsan yihiin.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *