Xukuumadda KULMIYE ayaa waxaa ay maanta duhurkii ay xabsiga dhigtey Todoba oo dhalinyaro ah isla markaana ka tirsan masuulyiinta xisbiga WADDANI.
Sagaalkan Xubnood ayaa waxaa ay kala yahiin guddoomiyihii degmada Axmed Dhagax ee xisbiga WADDANI Guuleed Ismaciil Cismaan, Gudoomiye ku xigeenkiisii Cawil Cabdilaahi Axmed iyo 5 Xubnood oo ka tirsan saraakiisha xisbiga WADDANI ee Xaafada Maxamuud Haybe.
Masuulyiintan ayaa la sheegay in aan la qaban iyaga oo wax fal danbiyeed ah gacanta kula jira, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda oo arrintan ku saabsan
Gudoomiyaha degmada Axmed Dhagax ee xisbiga WADDANI xadhigiisa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa maalmo kooban uun ka dib marki masuuluulkani uu eedo cul culus uu jeediyey xukuumadda gaar ahaan xisbiga KULMIYE.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments