Sunday, April 30, 2017

thumbnail

IDAACADDA BBC-DA OO MAGAC CUSUB U BIXISEY SOMALILAND + HALKAN KAGGA BOGGO MAGACAASI.

Idaacadda maqalka ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ee BBC world service ayaa bedeshay magacii ay hore ugu yeedhi jirtay Somaliland ee ahayd “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland”, waxaana la go’aamiyay magac cusub oo
ka soo baxay waaxda Tifaftirka ee BBC-da.
Magacan cusub ee hadda wixii ka dambeeya ay BBC-du u isticmaali doonto marka ay ka hadlayso dalka Somaliland ayaa ah Self-declared Republic of Somaliland “SDR of Somaliland” oo af Soomaali ku noqonaya “Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland”.
Magacan cusub ee BBC-da ayaa bedeli doona magacii ay BBC-du hore u adeegsan jirtay marka ay Somaliland ka hadlayso ee ahaa “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.”, waxaana magacan cusub isticmaali doona dhammaan hay’adaha BBC-da ee kala duwan.
SDR of Somaliland ayaa macno ahaan ka culus kii hore ee ahaa Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo ay bulshada Somaliland aad uga dagaalameen ugana soo horjeedeen, waxaanu magacan cusubi ka soocayaa Somaliland maamul goboleedyada tirada badan ee Somaliya iyadoo Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay Somaliya sannadkii 1991-kii.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *