Monday, April 24, 2017

thumbnail

Ayman Al-Zawahiri oo soo diray fariin cusub iyo dagaal muddo socon doona oo la iclaamiyay

Cod uu soo duubay Hoggaamiyaha Alqaacida Ayman Al-zawahari oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa dhammaan dagaalyahaanada Al-qaacida loogu baaqay inay beegsadaan Madaxweyne Bashaar Alasad iyo Isbahaysiga Iiraaniyiinta.

Fariinta codka ah oo ku socta dhammaan dagaalamayaasha Sunniyiinta, ayaa waxaa loogu xalaaleeyay dhiiga Madaxweyne Bishaar Alasad iyo dhammaan Kooxaha daacada u ah ee ka garab dagaalanta.
Waxaa sidoo kale codkaasi dagaalamayaasha lagu faray inay beegsadaan Isbahaysiga Iiraaniyiinta, waxa uuna Ayman Al-zawahari sheegay inay muhiim tahay in lasoo afjaro nolosha Bishaar iyo Kooxaha kale ee aan kor kusoo xusnay.
Ayman Al-zawahari, waxa uu Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Madaxweyne Bishaar Alasad iyo Isbahaysiga Iiraaniyiinta, waxa uuna ku baaqay in Dagaalamayaasha Alqaacida ay u diyaar garoobaan Dagaal muddo dheer socon doona oo ay la galaan Isbahaysiga Reer Galbeedka ee ku sugn dalalka Iraq iyo Syria iyo Shiicadda Iiraaniyiinta taageeradda siinaya Madaxweynaha Syria, sida uu hadalka u dhigay.

Ayman Al-zawaahiri waxa uu sidoo kale dagaalamayaasha Alqaacida ku booriyey inay beegsadaan waxa uu ugu yeeray Caddowga iyo inay Xukunka Shareecadda Islaamka ku soo rogaan dalka Syria.
Fariinta codka ah ee uu soo diray Ayman Al-zawaahiri, ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo muddo sanad ah soo diro, waxa uuna codkaani kusoo beegmayaa xili Xasuuq ba’an lagu hayo dadka kasoo jeeda dalalka Ciraaq iyo Syria.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *