Monday, April 24, 2017

thumbnail

Ethiopia oo shalay xaqiiqsatay qofka dhabta ah ee uu Farmaajo yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay u xaqiijiyey dowladda Itoobiya qofka dhabta ah ee uu yahay kadib markii ciidamada Itoobiya shalay loo diiday inay kamid noqdaan Ciidamada Magaalada kusoo dhaweenayey.
Ciidamada Itoobiya ayaa
shalay loo diiday inay salaan sharaf ka qaataan Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay safar ugu baxay gudaha Soomaaliya.
Markasta oo madax ay booqdaan Magaalada Baydhabo waxaa caado aheyd inay ciidamada Itoobiya salaan sharafta bixiyaan balse shalay midaas Farmaajo muusan aqbalin, wuxuuna salaanta ka qaaday ciidamada xoogga Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo
Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Itoobiya u caddeeyey inuusan marnaba hoos tagi doonin iyada, waxayna arrintaan kusoo aaday xilli dhawaan uu ka baaqsaday kulan sanad kasta ay dowladda Itoobiya qaban jirtay oo ay ka qeyb geli jireen madaxdii hore ee Soomaaliya.
Inkastoo aan weli la ogaan sababta uu farmaajo kulankaas uga baaqsaday haddana waxaa meesha ka cad inuusan wanaagsaneyn xiriirka labada dowladood, waxaana xusid mudan in kulankii sanadkii hore uu ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasad xir xiran ku wajahay dowladda Itoobiya, waxayna dadka falanqeyo siyaasadda tilmaameen inuusan waligeed wanaagsanaan doonin xiriirka labada dowladood inta uu Farmaajo joogo.
Sababta ugu weyn ee arintaas ku saleeyey ayaa ah inaysan is keeni karin siyaasadaha Farmaajo iyo Itoobiya, wuxuuna Farmaajo doonayaan inuu dib usoo nooleeyo ciidamadii xoogga Soomaaliyeed halka Itoobiya ay midaas kasoo horjeedo.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *