Saturday, April 29, 2017

thumbnail

Madaxweynaha Ahlu sunna oo Dowladda Farmaajo kaga digay qorshe aysan jecleysan

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii la doonayay inuu dhexmaro Ahlu sunna iyo Galmudug.

Wadahadalkaasi ayaa waxaa sida Ahlu sunna ay sheegtay wuxuu ka dhaqaaqi waayay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo dano gaar ah ka lahaa wadahadalka labada dhinac.
Kadib markii uu ku laabtay magaalada Dhuusomareeb wuxuu shacabka ku dhaqan magaalada uu u sheegay waxyaabihii uu kala kulmay Muqdisho, isagoo sheegay in wadahadalka ay wali dhankooda diyaar u yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayuu kaga digay inay martaa wadadii ay martay dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay in dowladdaasi ay kala geysay shacabka gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan dowladda Soomaaliya ay wadaan kala geynta shacabka ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe balse aysan taasi aqbali doonin, sida uu hadalka u dhigay.
Wadahadalkii Ahlu sunna iyo galmudug ayaa burburay kadib markii Ahlu sunna ay soo bandhigay sharuudo adag oo dhinaca kale u cuntami waayay.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *