Thursday, April 27, 2017

thumbnail

Qarax lagu dilay ciidamo laguna gubay gaari dagaal oo ka dhacay Kismaayo

Qarax aad u culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Deegaanka Janaay Cabdalle oo ku dhaw Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari nooca Cabdi-bilaha loo yaqaan oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Gaariga Cabdi-bilaha ah ee Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu galbinaayay Gaari kale oo ay la socdeen Saraakiil cadaan ah oo dhawaanahaani garabsiinaayay ciidamada Jubbaland ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa xiliga Qaraxa kusoo jeeday magaalada Kismaayo waxa uuna kasoo laabtay Deegaanka Janaay Cabdalle oo ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 askari, halka 5 kalane uu soo gaaray dhaawac culus, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka Kismaayo.
Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadal Qaraxa lagu dilay ciidamada iyo burburka xoogan ee soo gaaray gaariga.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *