Saturday, April 29, 2017

thumbnail

Al-Shabaab oo afduubtay gabar dhawaan qurbaha kasoo laabatay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo loo malaynayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin inay afduub ka geysteen gobolkaasi.

Luul Axmed Cali oo dhawaan kasoo laabatay dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa afduubtay ilaa shan ruux oo loo malaynayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin xili ay ku sugneyd duleedka magaalada Muqdisho.
Kooxaha hubeysan ayaa luul ku waday gaari ay wateen xili ay ku sugneyd deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Kooxaha Afduubay Luul ayaa markii ay tageen degmada Buulo-mareer kadib waxay teleefoonka ay kula soo hadleen hooyada dhashay iyaga oo sheegay inay ka doonayaan lacag madax furasho ah.
“Barqadii waxaa noo yimid koox gaari wadata oo ku hubeysan Boostoolado Afkana soo duubtay waxay naga watayn Luul, waxayna noo shageyn in ay gabadha dili doonaan hadii aan qeylino ma jirin goob ciidan oo noo dhaw si aan ugu war-gilino kiiskaan”
“Inagoo yaaban ayaa waxaa nasoo wacay telephone waxayna noo sheegeyn in aan Buula-mareer ugu geyno cadad lacageed oo ay sheegtayn inta aysan qoraxda dhicin waana ugeynay waxaana kasoo wadanay Gabadhayn Luul Axmed Cali ” Sidaasi waxaa ii shegtay qof ka mid ah dadka garas-baalay oo ay qaraabo yihiin Luul Axmed Cali.
Lama oga xaalada ay Luul ku sugan tahay, mana jiro faahfaahin kale oo laga helay gabadha iyo dadkii afduubtay.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *