Thursday, April 20, 2017

thumbnail

Ciidamada mid kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xasuuqay dad shacab ah

Warar naga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Degmadaasi uu rasaas ooda uga qaaday boqolaal shacab ah oo loo qeybinaayay
Raashiin.
Wararku waxa ay sheegayaan in Rasaastaasi ay timid kadib markii Guddoomiyaha oo ku sugnaa goobta uu u maaro waayay boqolaalka Barakacayaasha ah ee raashiinka loo qeybinaayay waxaana xigay in Guddoomiyaha uu Ilaaladiisa ku amray inay rasaas ay ku kala eryaan dadka masaakiinta ah hayeeshee rasaastaasi uu khasaaro kasoo gaaray dadkii Barakacayaasha ahaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in rasaastaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ilaa Afar ruux oo shacab ah kuwaa oo halgan ugu jiray helida raashiinka yar ee goobta laga bixinaayay.
Dadka ay rasaastu haleeshay ayaa u badnaa Haween iyo Carruur safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada Raashiinka, waxa ayna tani qeyb ka tahay godob falada loo geysanaayo dadka shacabka ee maatida ah.

Isaaq Maxamed oo kamid ahaa dadka raashiinka safka ugu jiray ayaa sheegay in amarka rasaastaasi uu lahaa Guddoomiyaha Degmada waxa uuna xaqiijiyay in rasaasta ay ku dhaawacmeen ilaa Afar ruux oo dumar iyo carruur u badnaa.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wali ka hadal gargaarka isku bedelay musiibada, iyadoo ay arrintaani ay kusoo beegmeyso xili dadka Barakacayaasha ah ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan ilaalada Guddoomiyayaasha iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Degmooyinka.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *