Saturday, April 22, 2017

thumbnail

MARAYKANKA OO SHEEGAY IN UU KAALIYIHII AL-BAQDAADI KU DILAY SUURIYA.

Wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegtay in ciidamo Maraykan ahi weerar ay ka fuliyeen dalka Suuriya gudihiisa, ay ku dileen
kaaliye aad ugu dhaw hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abu Bakr al-Baqdaadi.
Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka, John Thomas, ayaa sheegay in Cabduraxmaan al-Uzbeki la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah muu bixin.
Waxa se uu sheegay in Al-Uzbeki uu ku lug lahaa qorshaynta weerarkii lagu qaaday xarun caways oo ku taal Istanbul horraantii sannadkan oo lagu dilay ugu yaraan sagaal qof.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in, in kasta oo ay shan boqol oo ciidamo gaar oo Maraykan ahi joogaan gudaha Suuriya, ay hadana dhif tahay in ay hawl gallo ka fuliyaan, muhiimaddooda koobaad na ay tahay uun in ay talo ciidan siiyaan kooxaha dalkaas ee dagaalka kula jira kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *