Thursday, April 20, 2017

thumbnail

Meydka Oday da’ ah oo Saaka laga helay duleedka magaalada Muqdisho

Waxaa saaka duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu arkay Meydka Oday da’ ah oo yaala xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee Duleedka
Muqdisho.
Da’da ninkaani meydkiisa lagu soo baxay ayaa gaareysa 65, waxaana ka muuqday dhaawacyo kala duwan oo hareereeyay oogada jirkiisa.
Marxuumka da’da ah ayaa waxaa loo adeegsaday rasaas waxaana lasoo sheegayaa inuu ka mid ahaa dadka deegaanka balse xili habeen ah la gala soo baxay hooygiisa.
Rasaasta ugu badan ayaa kaga taal qeybaha sare ee jirkiisa waxaana qiyaastii la sheegay in rasaastaasi ay gaareyso ilaa Todobo xabo.
Ilaa iyo hadda ma cadda cida dishay marxuumka waxaase loo badinayaa inay dileen maleeshiyaadka Al-shabaab oo xiliyada habeenkii falalka noocaani ah ka geysta.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *