Inta
badan waxaa la is waydiinayey qaabka loo soo xuli doono XIldhibaanada dhintay
iyo kuwa xilka wareejinayo, waxaana arrintaas go’aan cad ka qaatay
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.
Xildhibaannada baarlamaanka
federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii
caadiga ahaa ku yeeshay magaalada
Muqdisho oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Maxamed
Sheekh Cismaan Jawaari ayaa arrintaas ka hadlay oo aheyd mid la sugayey
muddo.
Jawaari ayaa ugu horeyn
sharaxaad ka bixiyey qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka
banaanaada golaha shacabka, kaa soo ku saabsanaa in guddiga madaxabanaan ee
doorashooyinka loo wakiisho arintaa iyadoo ay jiraan Xildhibaano arrintaas
kasoo horjeeday iyo halka qaar badan ay arrintaas ku qanacsanaayeen.
Markas Kadiba Guddoonka
ayaa cod geliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka
banaanaada baarlamaankam waxaana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga
doorashooyinka loo madaxbanaaneeyo soo buuxinta kuraasta ka bannaan
gollaha, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay 6 kale, waxayna
codeyntaas aheyd mid gacan taag ah.
Waxaa la go’aamiyey in hadda
kadib kursiga Xildhibaan kasta ee banaanaada uu ku imaan doono sida markii hore
lagu soo doortay waxaana sidaas kulanka ka sheegay Prof. Jawaari oo intaa ku
daray in wixii khilaaf ah ee ka dhasha arrintaa loo gudbin doono maxkamadda
sare ee dalka, halka markii hore loo gudbin jiray gudiga xalinta khilaafaadka
ee doorashooyinka, wuxuuna noqday go’aan ay ku qanceyn inta badan Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya
ayaa waxaa jira kuraas xiligan banaan oo ay tahay in la soo buuxiyo, waxaana
muuqata in wixii hadda ka danbeeya gudiga madaxabanaan ee doorashada arintaa
loo idmaday, waxaana kuraasta banaan ka mid ah XIldhibaano dhintay iyo kursiga
uu baneeyey Sanbaloolshe oo loo magacaabay taliyaha nabad sugidda qaranka.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments