Saturday, April 22, 2017

thumbnail

Cosoble oo dowladda dhexe hawada usoo marsiiyey hanjabaad culus oo aan horey loo arag

Cali Cabdullaahi Cosoble  oo ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International, wuxuuna ka war bixiyey safarkii uu ku tagay Magaalada Buula Burte iyo arirmo
xasaasi ah oo u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo maamulkiisa.
Qodobka ugu muhiimsan ee uu Cosoble ka hadlay ayaa ah ka dagistii Jaadka ee Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay  in uu soo dhoweeynayo  cid kasta oo rabta garoomada Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, balse aysan aqbali Karin in Hirsh Shabelle lagula dhaqaaqo cuna qabateeyo .
Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu  wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah  ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan, waxay hanjabaadaas noqotay mid aad loola yaabay.
“ Waan ognahay waxaa jiro shaqsiyaad daneenayo inaysan shaqeyn Ceelmacaan oo ka dhahayo lama furi karo, Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu si carro leh u yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey  in aynan jirin Dowlad goboleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa Xuquuqda Dadyowga Reer Hirshabeelle, waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowlad goboleed Mid Dekado iyo Garoomo ay leedahay, Caalamkana Heshiisyo La Galeysa, Midna Maya La dhaho Midna loo fasaxo  Diyaaradaha Qadka Midna Diyaarado Kama dagi karaan la dhaho Marna Ma aqbaleyno In la cuna qabateeyo Hirshabeelle ayuu ku nuux nuuxsaday Madaxweynaha.
“ Cid kasta oo isku daydo inay cuna qabateyn kusoo rogto Hirshabelle, waxaana la fuuli doonaa Maxkamad,  cidna kama yeeleeno inay ku tomato xuquuqda Maamul Goboleedka Hirshabele” ayuu mar kale yiri.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *