Saturday, April 22, 2017

thumbnail

Xog: Liiska shaqsiyaad uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan u magacaabi doono safiiro

Shaqsiyaad uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabi doono safiiro.
Siyaasiyiinta uu Farmaajo safiirada ka dhigi doono ayaa
waxay isugu jiraan shaqsiyaad lasoo shaqeeyey dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo kuwa ay hadda dabada ka riixayaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Waxaa banaan dhawr safiir oo dalal muhiim ah kuwaas oo xilal ka helay dowladda cusub ee Farmaajo, waxaana dhawaan la filayaa in la magacaabo badalkooda, waxaana kasoo muuqan doono liiskaa siyaasiyiin aan laga fileyn.
Wadamada safiiradooda shaqada ka helay dowladda Farmaajo waxaa ka mid ah Safiirka UN-ka, Safiirka Kenya, Safiirka Turkiga iyo safiiro kale, waxaana jiro loolan adag oo loogu jiro xilalkaas.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska Magacyada la filayo in loo magacaabo safiiro\
C/kariin Xuseen Guuleed
C/casiis Sheekh Yuusuf
Cabdiraxman Yuusuf Ceynte
Maxamed Xaaji Madeer
Xuseen Maxamuud Sheekh Xusen
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *