Tuesday, April 18, 2017

thumbnail

Taliye ka tirsan DF oo sheegay in ay Amisom ku qabsadeen arrin yaab leh

Taliyaha Saldhiga Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan, ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu sii daayay dhalinyaro tuhmanayaal ah oo ay kusoo wareejiyeen ciidamada AMISOM.
Taliyaha Saldhiga ayaa sheegay in loo keenay dad shacab ah oo ay soo xireen ciidamada AMISOM balse markii la mariyay baaritaanka ay noqdeen kuwo aan waxba galabsan oo shacab ah.


Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku heystaan sababta loo sii daayay dadka shacabka ah, balse uu jiro sharci ah inaan Saldhiga lagu sii heyn karin shacab aan waxba galabsan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka ay AMISOM kusoo xireen Saldhiga ay ahaayen shacab aan wax luga ku laheyn Alshabaabnimo, waxa uuna cadeeyay in ujeedka AMISOM uu ahaa in shacabkaasi si maalaayacni ah loogu sii hayo xabsiga balse aysan suuroobeynin in la cabiidiyo shacab xoogsato ah.
Taliyaha Saldhiga ayaa sidoo kale sheegay in goortii ay sii daayeen shacabkaasi ay ciidamada AMISOM ku qabsadeen sababtii loo sii daayay dadkaasi, balse ay u sheegeen dadka inay yihiin kuwa rayid ah oo Shabaab aanan raad ku laheyn.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *