War goordhow kasoo baxay Wasaarada Difaaca Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay dishay Horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo muddo la baadi-goobaayay.
Wasaarada Difaaca ayaa sheegtay inay dileen Taliye Ku-xigeenkii Al-shabaab ee Gobolka Gado Sheekh Cali Shangolow iyo Dagaalyahanno ka tirsan Maleeshiyaadka.
Wasaaradu waxa ay xaqiijisay in Sheekh Cali Shangolow iyo Dagaalyahaano uu hogaaminaayay ay ku dileen Duqaymo iyo howlgal ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Khaarijinta Sheekh Cali Shangolow iyo Dagaalyahaanada ayaa waxaa ka qeybqaatay ilaa Seddex diyaarado oo Helicopter ah kuwaa oo duqeynta la beegsaday Saldhigga Al- Shabaab ee degaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Dowlada Kenya waxa ay tilmaantay in duqeynta noocaani ah ee lagu dilay Sheekh Cali Shangolow iyo xirtiisa ay noqoneyso tii Afaraad oo ugu faa’iidada badan oo ay ku dileen shaqsiyaad miisaan ku dhex leh Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Hogaanka sare ee maleeshiyada Al-shabaab ayaan wali ka hadal warka kasoo baxay Dowlada Kenya ee sheegaya in duqeyn lagu dilay Sheekh Cali Shangolow.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments