Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay dadaalada ay dowlada Somalia ugu jirto sinaanta shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in Shacabku ay u baahan yihiin wacyi galin
joogta ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku daydaan shucuubta caalamka oo uu sheegay inay ka mideysan yihiin Hadafka Dowladnimo.
Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka yara duwan yihiin kuwa caalamka marka loo eego dhanka isku xirnaanshiyaha, balse waxa uu ku baaqay in la sameeyo midnimo dhan waliba ah, si Somalia ay uga hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.
Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay Shacab Soomaaliyeed oo iska kaashta Midnimada, Dal jaceylka iyo inay la imaadan iska warqab si ay uga guuleystaan waxa uu ugu yeeray Argagixisada Somalia ee Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in horumarka Somalia ay ku xiran tahay Shacabka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in looga baahan yahay 2 arrin oo kala ah:
1-La shaqeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira nabadeynta Somalia.
2-Inay soo sheegaan cid waliba oo cadow ku ah Amniga iyo Xasiloonida, waxa uuna carab dhabay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka liitaan labadaasi arrin loona baahan yahay inay lamid noqdaan shacabka Caalamka oo aad ugu dhiiran labada qodob kuwaa oo Horumar ku gaatay fulinta qodobada aan kor kusoo xusnay.
Madaxweynaha Somalia ayaa dhowr jeer ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan dowlada iyo ciidamada Qaranka ee har iyo habeen usoo jeeda nabadeynta Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay ilaalsadaan Qaranimadooda isla markaana ay iska difaacan Cadowga.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments