Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

BANAAN BAXYO XOOGAN OO LAGAGA SOO HORJEEDO DOWLADA SOMALIYA OO KA DHACAAYA DEEGAANADA MAAMUL GOBOLEEDKA HIRSHABELLE + SABABTA.

Waxaa socda abaabulka banaan baxyo looga soo horjeedo dowlada Federaalka Soomaaliya sidoo kale lagu taageerayo maamul goboleedka Hirshabelle, banaan baxyadan ayaana ka
dhacaya magaalooyin kuyaala deegaanada Hirshabelle.
Abaabulka banaan baxyada ayaa ka socda magaalooyinka Jowhar , Balcad iyo Baladweyne, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in shacabka ku dhaqan magaalooyinkaasi isugu soo baxaan banaan bax ay ku taageerayaan Maamulka Hirshabelle sidoo kale uga soo horjeedaan dowlada Federaalka.
Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa Warbaahinta u sheegay in banaan baxa uu yahay mid shacabka ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin maamulkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan faragalin dowlada ay ku heyso maamulka Hirshabelle.
Xiriirkii ka dhaxeeyay maamulka Hirshabelle iyo dowlada Federaalka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanaya, waxaana dowlada ay diiday in diyaaradaha jaadka ay ka degaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *