Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa Nabadoon ku toogtay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisow, kaasi oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.
Nabadoonka ayaa lagu dhuftay ilaa Lix xabadood waxaana lasoo sheegayaa in Maleeshiyada dilka geystay ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.
Dilka Nabadoonka ayaa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa isla markaana ka baxay Masjid uu ku dukaday.
Maleeshiyada dilka geysatay ayaa Nabadoonka kasoo raacay Masjidka uu ku dukaday, waxa ayna dilka u geysteen goortii uu dhowr talaabo ka fogaaday Masjidka, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.
Ciidamada amaanka maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne oo dilkan uu ka dhacay, iyagoo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay.
Dilka Nabadoonka ayaa kusoo beegmaaya xili Maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhawaan sheegen inay ugaarsan doonaan dhammaan Ergooyinka wax kasoo xulay Xildhibaanada.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments