Bishaan dhammaadka ah waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay falal amni xumo oo aad u badan, waxaana warbixintaan idinkugu soo koobeynaa qaar ka tirsan dhacdooyinkaas, waxaana idiin soo
aruurisay Caasimadda
18-kii April 2017: Madfac habow ah ayaa ku habsaday iskool ku yaala dagmada howl-wadaag oo ay Arday ku dhimatay.
18-kii April 2017: Madaafiic hobiyayaal ah ayaa lagu weraray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.
16-kii April 2017: Baabuur siday shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa lagu qarxiyay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.
16-kii April 2017: Madaafiic ayaa lagu garaacay xarunta Xalane iyadoo kadibna uu qarxay gaarigii ay wateen kooxdii maaafiicda tuurtay.
15-kii April 2017: Koox hubeysan ayaa qof ku dilay dagmada Xamar-jajab.
21-kii April 2017: Askar roondo ka waday dagmada Waabari ayaa mid laga dilay.
21-kii April 2017: Nin da’ah oo la dilay ayaa meydkiisa laga helay agagaarka Asluubta.
20-kii April 2017: Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa labo askari oo Milatari ah ku dhax dilay gaari caasi oo ay saarnayeen kaasi oo marayay isgoyska Bakaaraha .
19-kii April 2017: Qarax ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen kooxdda gurmadka abaaraha Somalia.
13-kii April 2017: Allaha u naxariiste nabadoon Shire Doongaale ayaa kooxo hubaysan ku dileen Muqdisho.
10-kii April 2017: Nin dharka ciidan soo xirtay ayaa isku qaxrxiyay fadhi milatari oo ay ciidamada Dowladu ku lee yihiin warashada Nac Naca.
9-kii April 2017: Weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday Taliyaha cusub ee Milatariga Somalia ayaa waxaa ku dhintay 20 qof.
7-dii April 2017: Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux.
5-tii April 2017: Ku dhawaad 10 qof oo u badnaa rayid ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay maqaayad kasoo horjeeda wasaarada dhalinyarada & cayaaraha .
1-dii April 2017: Wariye Hanad Cali Guuleed ayaa lagu afduubtay Muqdisho.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments