Sunday, April 30, 2017

thumbnail

“MUXAAFIDNIMADII WELI LAMAAN QABSAN IYO IN AAN WAX AMMAANO AMMA HADALO AMMAAN AH JEEDIYO” JAMAAL CALI XUSEEN.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah xisbiga talada ee Kulmiye ayaa sheegay in aanu weli la qabsan muxaafidnimada, maadaama oo uu in badan ahaa mucaarid naqdiyi jiray xukuumadda.

Jamaal-Cali-Xuseen-Madaxweynaha-Mustaqbalka2

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo hadal u jeediyay shir xisbiga Kulmiye ku yeeshay dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha,  waxa uu tilmaamay inaanu shaqshi ahaan ka qoomamayn doonin inuu galay siyaasadda Somaliland oo uu xusay inuu kala kulmay dhibaatooyin kala duwan.

 “Inkastoo aan hadda muxaafid ahay oo aan ku biiray xisbiga KULMIYE, haddana weli lamaan qabsan muxaafidnimadii iyo in aan wax ammaano amma hadalo ammaan ah jeediyo, waanad ogtihiin oo dhibaato badan ayaa i soo gaadhay, markaa ma ihi nin si dhibyar wax ku ammaani kara,” ayuu yidhi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Waxaannu intaas ku daray; “Annigu ka qoomamayn maayo in aan galay siyaasadda Somaliland, waayo-aragnimo wanaagsana waan ka helay, siyaasadda Somaliland-na rag kale oo iga waaweynaa waxa kala soo kulmay dhibaatooyin ka badan ta anniga igu dhacday oo kale, waanan ogtihiin oo Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal jeel ayuu ku jiray oo waa la xidhay, Axmed Siilaanyo (Madaxweynaha Somaliland) in badan ayuu soo rafaaday oo ilaa SNM-tii ilaa la yidhi 80 cod ayaa lagaaga helay (doorashadii sannadkii 2003) oo iska tag lagu yidhi. Muuse Biixi ilaa 25 sanno ayaa la rafaadinayey  oo kolba baxarkiisa la kicinayey, markaa waxa aan u malaynayaa in aanay taydu (dhibtaydu) sidaa u sii ridnayn oo dhibaato ma laha oo haddii Ilaahay (SWT) noo qorayna waannu geli doonaa (madaxtinimada), haddii kalena dalka ayuun baannu wax u qabanaynaa. Marka horena waxa aannu u tagnay (isku sharaxay) may ahayn in aannu kursi ku fadhiisano ee waxa ay ahayd in aannu dalka wax u qabanno.”

Waxa uu ka digay waxyaabaha turxaanta ah ee ay adeegsadaan siyaasiyiinta Somaliland marka ay ku jiraan ololaha doorashooyinka, isagoo xusay in hadalka turxaanta ah aannu u wanaagsanayn siyaasiyiinta iyo qaranka Somaliland.

“Isbeddelka marka la doonayo ma wax cusub (barnaamij cusub) ayaa la doonayaa mise dad cusub ayaa la keenayaa? Horta ma noqonayso dad cusub oo mar walba lama wada helayo, lamana odhanayo wixii hore siyaasadda ugu jiray ayaa gabigoodiiba meesha laga saarayaa oo qaar cusub ayaa soo gelaya, taasi ma dhici karayso, laakiin  macnuhu waa in waxa la samaynayo (waxqabadka) si cusub loo qabto oo dariiqii hore mid ka wanaagsan la raaco,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kaloo uu tilmaamay dalka Somaliland yahay qaran yar oo aan weli aqoonsi buuxa ka helin caalamka, sidaa darteedna ay jiraan khaladaad badan oo jira, una baahan in si wadajir ah loo saxo, waxaannu yidhi; “Waxa badan ee aynu qabsanay waa in aynu ku faanno oo barano sida caalamka looga iibiyo, sababtoo ah waxa aad moodaa weli Somaliland iyada ayaa is iibin kari la’ oo guulaha ay gaadhay ayey si fiican uga iibin kari la’dahay caalamka, wax badana way inaga dhiman yihiin ee wixii inaga dhimana in aynu runta isku sheegno oo qabsano ayaa loo baahan yahay, dadkeenuna waa inay kala bartaan cidda daacadda u ah iyo cidda aan daacadda u ahayn.”

“Waxa aynu u samaysanay xisbiyada in aynu horumar ku gaadhno oo isbeddelo dhacaan oo 10-kii sanno mar ayaa la furayaa xisbiyada, markaa xisbiyadii hore qaar ayaa saaxadda ka baxaya oo qaar cusub ayaa soo gelaya, sidaa ay xisbiyadu u kala wareegayaan ayaa dadkeenuna kolba xisbiga ay dan u arkaan u taageerayaan.

Siyaasiyiintii hore ee Somaliland marka ay wax waayaan amma xisbi u soo bixi waayo waxay ka degaan Xamar, oo Somaliland oo dhan ayey u cadhoodaan, anniguna waxa aan is idhi wax cusub samee oo intii la odhan lahaa wuu cadhooday dadka tus in wax la waayi karo oo haddana kuwa keenay in aad wax weydo aad la shaqayn karayso, siyaasadduna in aanay colaad lahayn oo Somaliland wax aan ka bartay in aanay siyaasaddu lahayn saaxiib joogto ah iyo colaad joogto ah, markaa annigu taageeraydii shaqsi ahaaneed iyo codkaygiiba waxa aan siinayaa murrashax Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

“Madaxweyne Siilaanyo waa hoggaamiye shaqsi ah, waxbana ma samayn karayo kelidii, Muuse Biixi waa hoggaamiye oo waxba kelidii ma samayn karayo, haddii aanay jirin dad amma koox la shaqaynaysa, waxaanna wanaagsan in aynu barano sidii loo sixi lahaa, loolana shaqayn lahaa dadka madaxda ah oo wax badan ayeynu ku kordhin karaynaa inagoo ah shaqsiyaad caadi ah oo aan kaba tirsanayn dawladda amma aan ku jirin siyaasadda, dan ayaana inoogu jirta in dalku inoo hagaago,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *