War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dab xooggan uu caawa mar kale kacay, islamarkaana uu gubanayo suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya
.
Qeybaha suuqa ee gubanaya ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin qeybta bagaashka, qeybta maacuunta, iyo qeybta malabka, wuxuuna dabka hadda ku socdaa kuna dhow yahay qeybta sarifka ee suuqa.
Dabka ayaa la sheegay inuu yahay dab aad u culus, kana ballaaran kii dhowaan un ka kacay suuqa.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dabka uu u muuqdo mid si ula kac ah loo billaabay, wuxuuna aad u burburinayaa qeybta Khaliifka ee suuqa ee dhowaan gubatay.
Baabuurta dab damiska ayaa illaaa iyo hadda geli la’ suuqa, waxaana ku cararaya dad suuqa hanti ay ka taalo oo doonaya inay kala soo baxaan, iyo dad kale oo ka faa’iideysanaya is dhex yaaca jira.
Faahfaahin naga filo dhowaan, Insha Allah.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments