Friday, April 14, 2017

thumbnail

HUDHEELKA UU LEEYAHAY MADAXWEYNAHA DALKA MARAYKANKA MR DOLAND TRUMP OO LAGU ARKAY WAXYAABO HALIS KU AH CAAFIMAADKA BULSHADA.

Masuuliyiin ka socda waaxda caafimaadka iyo badqabka ee dalka Maraykanka ayaa waxyaabo khalad ah ku arkay jikada goobta loo tamashle tago ee Mar-a-Lago, oo uu leeyahay madaxweyne Donald Trump.

Saddex iyo tobanka khalad ee jikada huteelkaas lagu arkay waxaa ka mid ah qaboojiyeyaal jajaban taas oo ka dhigan in hilibka iyo kaluunka lagu kaydiyay qabaw loo arko in cuntada lagaliyo aysan badqabin.
Biyaha qasabadaha ka socdana sidii loo baahnaa uma diiranayn si ay shaqaaluhu gacmahooda ugu nadiifiyaan si fiican.
Saddex iyo tobankaas khalad waxaa la ogaaday maalmo uun ka hor markii uu goobtaas booqasho ku tagay ra’iisalwasaaraha Japan.
Labo ka mid ah qaboojiyeyaasha ayaan u shaqaynaynin siddii loo baahnaa waxayna u baahnaayeen in wixii ku jira laga saaro oo la dayactiro.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *