Wednesday, April 19, 2017

thumbnail

SOOMAALIDII UGU BADNAYD OO LAGA SOO MUSTAAFURINAYO DALKA MAREYKANKA.

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay kasoo musaafurineyso shan kun qof oo Soomaali ah ,kuwaa oo qaarkood dalka ku joogaan sharci daro halka kuwa kalana
ay galeen dambiyo kala duwan. Afhayeenka waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka Brendan Raedy, ayaa sheegay in laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 qof oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa. Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in horey dalka Mareykanka looga soo musaafuriyay dad gaaraya 237 oo si qasab ah Soomaaliya looga soo dejiyay, dadkan ayaana u badnaa kuwa ku xirnaa xabsiyada dalkaasi. Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad ayaa horey u sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dadkan loo musaafurineyso Soomaaliya ay intooda badan galeen dambiyo , waxa ayna dowladu sheegtay in ay diirada saareyso ayna musaafurineyso kuwa ay u arkaan in ay halis ku yihiin amaankooda.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *