Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

Waanwaantii Ahlu Sunna iyo Galmudug oo soo dhamaatay iyo natiijo aan la fileyn oo kasoo baxday

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka socday Kulamo xaasi ah oo u dhaxeeyey Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxayna arrintaan waday dowladda Soomaaliya oo dooneysay in la helo Galmudug oo mideysan.

Haddaba kulamadii u dhaxeeyey labadaan garab ayaa wuxuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii ay Ahlu Sunna miiska soo saartay qodobo aan macquul aheyn, taasoo ay la yaabeen dowladda iyo Galmudug.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Sheekh Maxamed Shaakir oo ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna, waxayna wararka sheegayaan inuu kulankaasna kusoo dhamaaday is faham la’aan kadib markii Ahlu Sunna ay diiday inay kasoo dabacdo shuruudaha ay soo bandhigtay.
Haddaba waxaa la filayaa inay maanta ama berri dib Muqdisho uga laabtaan Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna oo markii horeba ka kala imaaday Cadaado iyo Dhuusa Mareeb, natiijadaan waxay noqotay mid aad looga xumaaday, wuxuuna dadaalkii dowladda noqday mid aan miro dhallin.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso shuruudaha xasaasiga ah oo ay Ahlu Sunna dalbatay in loo fuliyo si ay qeyb uga noqoto Galmudug?
1- In la dhiso Baarlamaan cusub oo ka kooban 90 xubnood.
2- Inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.
3- In Baarlamaanka Cadaado la baabi’iyo
4- In Maamula Goboleedka Gobollada Dhexe ay ku soo biirto kooxda maamulka Cadaado.
5 In xubnaha Baarlamaanka 60 ka mida ay ka yimaadaan Ahlu suna.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *