Wednesday, April 19, 2017

thumbnail

Xog: Halkee lagu tababarayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ee la dhisayo?

Sida aad horey ugu aragteen Warbixinadeenii hore, waxaana qeyb qeyb idinkula wadaageynay Document ay Caasimadda Online heshay, kaasoo muujinayo heshiis ku aadan qaabka ay noqon doonaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo
ahaa mid dhex maray dowladda Soomaaliya iyo
Maamul Goboleedyada.Waxaan horey idinkula wadaagnay in Ciidamada Xoogga ay noqon doonaan tiro ahaan ilaa 18000 oo askari oo isugu jiro: Danab, kuwa cirka iyo Badda.
Sidoo kale waxaan idinla wadaagnay in ciidamadaas lagu soo dhameystiri doono diyaar ay noqon doonaa muddo 6 Bil ah oo ka bilaabaneyso 1 June 2017.
Haddab markaan waxaan idinla wadaagi doonaa halka lagu tababari doono Ciidamadaas ay ku heshiiyeen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Sida ku cad Document-ga ay Caasimadda Online heshay, waxay dowladda iyo Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen in ciidamadaas lagu tababaro Gudaha Soomaaliya, weliba iyadoo la raacayo Manhajka tababarka Ciidamada Soomaaliyeed, isla markaasna dib loo soo ooleeyo xirooyinkii lagu tababari jiray Ciidamada, wuxuuna qodobkaas lagu heshiiyey u qornaa sida hoos kaaga muuqato



Heshiiska kuma caddo, cidda bixin doonto tababarka ciidamadaas, balse waxaa loo ogaa inay Tababarka ciidamadaas ka qeyb qaadan doonaa Dowlado Shisheeyo oo ay ugu horeyso dowladda Turkiga oo diyaar u ah inay qeyb lixaad leh ka qaadato dib u dhiska Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *