Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ayaa ku dagaalamay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Dagaalka ayaa ka dhacay Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee
Magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada uu dagaalka u dhexeeyay.
Inta la xaqiijiyay ilaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalka waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Shan kale oo u badnaa dad shacab ah, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.
Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka bilowday ciidamo isku qabqabsaday qaad, waxaana xigay dagaalka oo ahaa mid khasaaro geysaty, isla markaana xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciidamada dowlada ayaa inta badan ku dagaalama qaadka waxa uuna dagaalkooda khasaaraha ugu badan kasoo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Hay’adaha amaanka ayaan wali ka hadal dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay kaa oo ka dhacay Beerta Jaadka ee degmada Hodan.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments