Diyaaradaani oo aheyd nooca loo yaqaan Helikopterka ayaa ku dhacday deegaan ku yaalla inta u dhexeysa Degmooyinka Pulumur iyo Ovacik ee dalka Turkiga.
Diyaarada burburtay ayaa waxaa la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska iyo Saraakiil dhinaca Garsoorka ah, oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkooda.
Diyaarada ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen Laba Garsoore iyo Todobo Saraakiil Boolis ah, waxaana
wehlinaayay ilaa Seddex ruux oo kamid ahaa shaqaalaha diyaarada.
Shilka diyaarada ayaa waxaa ku geeriyooday 8 Saraakiil Boolis ah oo ku guda jiray howlo shaqo.
Baarayaasha ayaa sheegay in cilada sababtay dhicida diyaarada ay tahay roob ka da’aayay deegaanka ay diyaarada ku dhacday iyo ceeryaamo hareereeyay diyaarada.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments