Tuesday, April 18, 2017

thumbnail

DF iyo maamullada oo ku heshiiyey tiro aan la fileynin oo laga dhigayo ciidamada xoogga dalka

Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay Document muujinayo heshiisyo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada kaasoo aan saxaafadda lala wadaagin.
Heshiisyada aan saxaafadda lala
wadaagin oo ay caasimadda Online heshay ayaa wuxuu khuseeyaa qaabka loo marayo dhisidda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.
Document-ga aan helnay ayaa idinkula wadaagi doonaa warbixino kala duwan, waxaana warbixintaan hadda kusoo bandhigeynaa tirada Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo ay isla go’aansadeen Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
Sida uu muujinayo Document-ga ay Caasimadda Heshay waxaa lagu heshiiyey inay Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed noqdaan 18,000 (Sideed iyo Toban Kun).
” Ciidamada Xoogga Dalka waxay noqon doonaa 18,000 Kun oo askari, oo ay ku jiraan Ciidamada (Danab), Kuwa Cirka iyo Badda” ayaa lagu qoray heshiiska dhex maray dowladda iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna ku qornaa Document-ga aan helnay Luuqadda Ingiriiska.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *