April 15, 2017
Ciidamada Ammaanka Mareykanka ayaa bilaabay qab qabashada Soomaalida aan sharciga heysan ee ku sugan gobolada dalkaas, iyadoo dadka la qabanayo loo soo
musaafurinayo dalka Soomaaliya. IMG_9024 Illaa 10 ruux oo Soomaali ah ayaa todobaadkan lagu qabtay Atlanta, kuwaasoo laga kala qabtay Suuqyada iyo guryaha. Guddoomiyaha Ururka Soomaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOA-da u sheegay in jaaliyadda Soomaalidu ay aad uga walaacsan tahay tallaabadan cusub. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin kuwo fudud oo aan istaahilin in dalka laga saaro. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligii uu ku guda jiray ololihiisa ayaa sheegay in dadka dambiyada gala iyo kuwa aan sharciga heysan uu dalka ka musaafurinayo. Bilihii la soo dhaafay boqolaal Soomaali laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka ayaa la geeyay magaalada Muqdisho.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments