Thursday, April 20, 2017

thumbnail

DOWLADA VENEZUELA OO LA OGAADAY IN AY WAX KA BIXISAY KHARASHKII KU BAXAY CALEEMO SAARKII TRUMP.

Dawladda Venezuela ayaa 500,000 oo kun oo doolar ugu deeqday caleemo saarkii madaxweyne Donald Trump, sida uu muujinayo macluumaad cusub oo la baahiyay.
Shirkadda Citgo Petroleum oo ay bahwadaag yihiin shirkadda shidaalka
ee dawladda Venezuela ayaa lagu magacaabay warbixin ay diyaarisay Guddiga Doorashada Faderaalka ee Maraykanka.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay u muuqato in dhaqaalihii Venezuela ay curyaamiyeen cunto yari, dambiyo rabshado wata iyo sicirbarar.
Labo ruux ayaa lagu toogtay mudaaharaadyo Arbacadii dhacay iyadoo ay tobannaan kun oo ruux isugu soo baxeen wadooyinka iyadoo ay dadku dalbanayaan doorasho cusub.
Shirkadaha kale ee waawayn ee warbixintan cusub lagu magacaabay waxaa ka mid ah Pepsi oo xalfadda madaxwaynaha ku bixisay 250,000 doolar iyo Walmart oo iyana ku deeqday 150,000 oo doolar.
Dhanka kalana mulkiileyaasha kooxaha ka dheela koobka NFL ama shirkadaha ay leeyihiin ayaa iyagana xalfadda Trump ku kharashgareeyay in kabadan 5 milyan oo doolar.
Sheldon Adelson oo isna ah nin maalqabeen ah ayaa bixiyay 5 milyan oo doolar.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *