Friday, June 23, 2017

thumbnail

NIN U DHASHAY DALKA YAMEN OO XATOOYO BADAN U GAYSTAY MEHERADO GANACSI OO HARGEYSA KU YAALA IYO CIIDAMADA BOOLISKA OO KU HAWLAN SOO QABASHADA NINKAASI

Nin dhalashadiisa la sheegay inay tahay Yamen ayaa jabsaday meherado ganacsi oo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Tuesday, June 20, 2017

Monday, June 19, 2017

thumbnail

Amin Arts oo soo saaray sawir uu ku muujinayo Faarax iyo Sharma’arke oo Xajka joogo kuna duceysanayo wax yaab badan

Farshaxaniistaha ugu weyn Soomaaliya Amin Arts oo inta badan looga bartay inuu soo sawiro sawir gacmeedyo muujinayo waxyaabo ka jiro Soomaaliya iyo kuwa xikmad jirto inkastoo mararka

Wednesday, June 14, 2017

thumbnail

GARSOORE ABAALMARIN KU HELAY XUKUN UU GAADHAY OO NOQDAY GO’AANKII UGU XUMAA ADDUUNKA.

(HTN-Nairobi)-Garsoore dalka Kenya u dhashay oo sii daayey nin lagu helay inuu fara-xumeeyey gabadh 13 jir ah, ayaa lagu abaalmariyey billad caalami ah oo muujinaysa xukunkii ugu xumaa ee lagu go’aamiyo xuquuqda haweenka sannadkii hore.

25kii bishii April ee 2016-kii, ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya garsoore ka mid ah uu sii daayey nin 20 sannadood lagu xukumay oo la yidhaa Martin Charo, kaasoo lagu helay inuu si khiyaamo ah u faraxumeeyey gabadh 13 jir ah intii u dhexaysay December 2011 iyo January 2012.

“Inkastoo gabadh yar oo ka yar da’da qaangaadhka aanay bixin karin oggolaanshaha galmada, haddana caddaymaha uu maxkamadda la tusay waxay sheegayaan in ay isu dhiibtay, qaangaadhna u ahayd arrintaas. Waxa ay iska dhigtay gabadh weyn oo ninkana iyadaa u tagtay,” ayuu yidhi xaakin Juma Chitembwe oo xukunkaas ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu xukunka xumaa caalamka sannadkii 2016.

Xukunkan waxa garsooraha lagu siiyey billad tilmaamaysa caddaalad-darradiisa oo lagu bixiyo xarunta la yidhaa Golden Bludgeon oo dalka Spain ku taal, waxana si rasmi ah ugu dhawaaqay Arbacadii toddobaadkii hore ururka Weomen’s Link Worldwide, iyagoo sidoo kalena 18 kiis oo kale ku sifeeyey inay ahaayeen xukumadii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda haweenka sannadkii hore.

Abaalmarinta Golden Bludgeion Award waa abaalmarin sannadle ah oo lagu aqoonsado xukunnada maxkamadeed kuwa ugu fiican iyo kuwa ugu xun ee labka iyo dheddiga (Gender) caddaaladdooda ku saabsan.

thumbnail

MA OG TAHAY IN XAWAARAHA BIXISTA TIMUHU KU XIDHAN TAHAY QAARADDA AAD KA SOO JEEDDO

Akhriste, ma’ ogtahay in timaha dadka isir ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya ay celcelis ahaan bishii baxaan inta u dhexeysa 1.5 illaa 2 Sentimitir, halka timaha


dadka Afrikaanka ahi ay celcelis ahaan bishii baxaan Sentimitir badhkii (0.5), timaha dadka ka soo jeeda gobalka Qawqaas ee dhaca xuduudka qaaradaha Eeshiya iyo Yurub ay bishii baxaan qiyaas ah 1 Sentimitir?

Ma’ se ogtahay in nidaamka cunto ee aan isu dheellitirnayn, dhibaatooyinka caafimaad, xadgudub dibadda kaga yimaadda iyo ku talaxtagga isticmaalka maaddooyinka kiimikada ka samaysani ay curyaamiyaan korniinka timaha?

Waxa se’ qosol leh in hababka ugu fiican ee aad timaha dheeraantooda ku daryeeli kartaa ay tahay in aad gaabiso timaha marka uu dayaxu dhammaystirmo (Caddada buuxda oo ah 14 ka bisha dayaxa).

Ma se’ ogtahay in ay jiraan habab dabiici ah, oo hidde ahaan loo soo kala dhaxlay, oo qofka doonaya in uu timaha daryeelaa mari karo isaga oo kaga maarmaya hababka casriga ah ee kharashka badani ku kaco ee hadda loo isticmaalo daryeelka timaha.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa ina tusaysa qaar ka mid ah hababkaas dabiiciga ah iyo waxtarkooda.

1. Duugista lafta madaxa

In muddadiiba mar madaxa la duugaa waxa ay firfircooni gelisaa wareegga dhiigga ee timaha gaadhaya, waxa aanay dedejisaa bixitaankooda. Sidaa awgeed xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in la joogteeyo toddobaadkiiba mar in la duugo madaxa iyada faraha hore ee gacanta muddo shan daqiiqo ah loogu duugayo hab goobo. Wareeg ah (Gacanta duugaysa loo dhaq-dhaqaajinayo qaab wareeg ah), duugista kadibna lagu dhaashiyo dufan timaha nafaqo u yeelanaya.

2. Muudka basasha

Xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in muud ama casiir ka samaysan basal lagu darmo malqacad malab ah, kadibna la mariyo madaxa, iyaga oo sheegay in ay taasi firfircooni gelinayso wareegga dhiigga ee madaxa, xoojinaysana bixitaanka timaha.

3. Cunto isu-dheellitiran

Waxa ay khubarada caafimaadka timuhu tilmaamayaan in caafimaadka timuhu uu yahay halbeeg laga qiyaaso caafimaadka jidhka, si toos ahna ay ugu xidhan tahay nidaamka cunto ee isu dheellitiran ee uu qofku qaato. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah, in qofka danaynaya timihiisa dhererkooda iyo quruxdoodu uu raaco caadooyin cunto oo caafimaad qaba, iyo in uu badsado isticmaalka khudradaha kala duwan ee Faytamiinnada leh.

4. Timaha gaabintooda iyo dayaxa

Inkasta oo aan illaa hadda si cilmiya arrintan loo sugin, haddana waxa ay qaar badan oo khubarada caafimaadka timaha ka mid ahi ku talinayaan in timaha la gaabiyo marka uu dayaxu buuxsamo, ama labada maalmood ee ka horreeya buuxsankiisa (12 iyo 13). Dadka isdan aaminsani iyaga oo arrintaas sababaynaya waxa ay sheegayaan in ilayska dayaxu saamayn ku leeyahay dhirta, xayawaanka iyo dadka intaba.

thumbnail

Qatar oo qaadatay go’aan ay uga aargudaneyso Jabuuti iyo Eritrea oo la saftay Sacuudiga

Dowladda Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ciidamadeeda nabad ilaalinta kala soo bixi doonto xuduuda muranka dhalisay ee u dhaxeyso dowladaha Djibouti iyo  Eritrea

 kadib markii ay labadaan dowladood la safteen go’doominta Sacuudiga iyo xulafadeeda ay saareen dalka Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar wax sabab ah uma yeelin go’aankaan oo imaanayo xilli ay cadaadis Diblomaasiyadeed kala kulmeyso qaar ka tirsan dowladaha dariska ee Carbeed kadib markii ay ku eedeeyen inay taageerto islaamiyiinta iyo dalka Iiraan, inkastoo ay Doha arrintaas gaashaanka ku dhufatay.
“ Qatar waxay dhex dhexaadiye diplomaasiyadeed oo dhex dhexaad ah ka aheyd xallinta dhibaatooyinka u dhaxeeyo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, welina waxay diyaar u tahay inay kaalin libaax leh ka qaadato” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Qatar.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala soo bixi doonto halkaas inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada halkaas ka joogo, waxayna sheegtay inay go’aankaas ku wargelisay dowladda Jabuuti.
Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen guddiga dabagalka iyo Qiimeynta Qaramada Midoobay, dowladda Qatar waxaa xuduudda Djibouti iyo  Eritrea ka joogo Ciidamo gaarayo ilaa 200 oo Askari
Qatar ayaa xiriir dhow la laheyd dalka Eritrea waxayna ciidamo aan sidaas u badneyd oo nabad ilaalin ah geysay xuduudaha ay la leedahay dowladaha Geeska Africa sanadkii 2010 markii ay halkaas ka dhaceyn dagaalo ku saabsan muran xagga dhulka ah sanadkii 2008, sidoo kalana waxay ka caawisay heshiisyo dhex dhexaadin nabadeed ah.
Dowladda Jabuuti ayaa asbuucii hore ku dhawaaqday inay hoos u dhigtay xiriirka ay Qatar la laheyd iyadoo ilaalineyso midowga la dagaalanka argagixisada iyo midnimada dowladaha Carabta iyo Khaliijka.

Monday, June 12, 2017

thumbnail

HOGGAAMIYE XIRSI CALI XAAJI XASAN OO KA HADLAY WAKHTIGA DOORASHADA EE MADAXWAYNE SIILAANYO QALINKA KU DUUGAY IYO XILKA GUDOMIYAHOODA KA HAYO GOLLAHA WAKIILADA.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyey cayimaadda maalinta Doorashada isla markaana sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin doorashada isaga oo xusay in doorashada o xiligeeda ku qabsoontaa ay danta Somaliland ku jirto.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay waraysi gaar ah siiyey wargeyska Himilo ayaa uug horeyn ka hadlay aragtida uu xisbigiisu ka qabo cayimaadda maalinta doorashada ee madaxwayne Siilaanyo shalay qalinka ku duugay waxaana uu yidhi

“Cayimaadda maalinta doorashada waan ku hambalyeynayaa madaxwaynaha JSL,waanan ku faraxsanahay ,waxaan u arkaa inay danta Somaliland ku jirto in aanay doorashadu wakhtigeeda ka dib dhacin,runtiina dib u dhacyadii hore may ahayn kuwo inoo  haboonaa,markaa waxaan leeyahay culayska hala saaro sidii wakhtigeeda loogu qaban lahaa,xisbi ahaana diyaar ayaanu u nahay oo waxba nagama dhul yaalaan”.

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaasi ku daray “Tartanka Doorashada madaxtooyada ee loo diyaar garoobayaana Illaahay waxaan ka rajaynaynaa inuu ka dhigo guul Somaliland usoo hoyota iyo isku duubnideeda”.

Xirsi oo ka jawaabay sida uu u arko in xukuumaddu ay ku wareejisay guddiga Doorashooyinka Qaranka wajigii koowaad ee lacagta loogu talo galay in doorashada lagu qabto ayaa waxa uu yidhi

“Runtii mar hadii madaxwaynuhu  cayimay maalinta doorashada,lacagtiina qaybtii u horeysay la bixiyey dareen fiican Ayaan ka qabnaa,waxaana ku dhiirigalinaynaa in inta ka hadhayna la dhamaystiro”.

Hogaamiye Xirsi waxa kale oo uu wargeyska Himilo waydiiyey rajada uu ka qabo hawlaha farsamo ee doorashada in lagu dhamaystiri karo wakhtiga haatan ka hadhay ayaa waxa uu ku jawaabay

“Waxaan aaminsanahay in doorashada la qaban karo oo doorasho xor iyo xalaal ah la qaban karo  iyo in ay Somaliland muhiim u tahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto”.

Dhinaca kale hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka jawaabay su’aal wargeyska Himilo ka waydiiyey madaama oo la cayimay maalinta doorashada dhacayso xiliga uu u malaynayo in gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ka dagayo kursiga golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu kaga jawaabay



“Doorashada ayaanu u diyaargaroobaynay,Cabdiraxmaanna maalintii u danbaysay wuu ka hadlay inuu xiligaas ka dagi doono,wakhtigaasina Baarlamaanka ayay khuseysaa oo anigu kama mid ahi,laakiin waxaan rajaynayaa in wakhti aan fogayn noqoto oo ay si wanaagsan u dhamaato”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sunday, June 11, 2017

thumbnail

Wafti ka socda Qatar oo Muqdisho ku sugan (Hal qorshe oo muhiim ah oo ay u joogaan)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi iyo wafti la socda, ayaa socdaal deg deg ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo uu iminka kulan kula leeyahay madaxda dowladda Soomaaliya.

Saturday, June 10, 2017

thumbnail

Madaxda Khaliijka oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan hadal kasoo yeeray Trump

Dowladaha Khaliijka ayaa shaaciyay inay taageersan yihiin hadda saacado ka hor kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ahaa in dowlada Qatar ay joojiso taageeridda Kooxaha argagixisada.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafadeeda ayaa soo dhaweeyey go’aanka Trump ee ku aadan in la hakiyo dhaqaalaha ay Qadar ku bixineyso Argagixisada.
Dowladaha carabta ee u midoobay Qadar waxa ay sheegen in Trump ay ku raacsan yihiin xaqiiqda uu ka sheegay Qadar ee ah inay dacmiso Kooxaha kasoo horjeeda nabadda ka jirta Khaliijka.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyey Qatar in ay “gacan weyn” siiso argagixisada. Haseyeeshee Qatar way beenisay eedaymahaa, waxaanay wasiirkeeda arimaha dibadda ugu dirtay socdaal uu ku soo marayo xarumaha Yurub si uu taageero ugu helo mawqifkeeda.
Xiisada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka ayaa waxaa sidoo kale ku kala jabay Dowlada Mareykanka waxaana xusid mudan in wasiirka arimaha dibadda Maraykanka uu si dadban ula safan yahay dowlada Qadar ee iminka la kulmeysa cadaadiska, halka Madaxweyne Trump uu la safan yahay dowlada Sacuudiga.
Dhinaca kale, Trump ayaa horay u sheegay inuu lahaa fekerka lagu soo bandhigay in Qadar ay taakuleyso Kooxaha Argagixisada.

Thursday, June 8, 2017

thumbnail

SOOMAALIYA OO MEEL DHEXE ISKA TAAGTAY KHILAAFKA DAWLADAHA CARABTA, JABUUTI OO DHINAC LA SAFATAY & SOMALILAND OO WELI DUSHA KA EEGAYSA

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan waddamada Khaliijka Carabta, iyada oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiisada jirta.

Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo-2-620x330
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna la safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeyo, kuwaasi oo ah Qadar oo dhinac ah iyo Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Yemen iyo Maldevis oo dhinac ah, kuwaasi oo dhamaantood xidhiidhka Dublamaasiyadeed u jaray Dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen inay Argagixisada taageerto.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu yidhi sidan “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah. Dowladda federaalka waxaa ay dhinacyada ugu baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.”

Dhanka kale, Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka hadashay Khilaafka Diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Qadar iyo Dalalka Khaliijka ee Sucuudigu ugu horeeyo, ayaa la safatay Dawladaha Xidhiidhka u jaray Dalka Qadar, waxayna sheegtay in ay hoos u dhigi doonto xidhiidhka Dibamaasiyadeed ee ka dhexeeya Dalka Qatar isla markaana ay hoos u dhigi doonto shaqaalaha Diblomaasiyiinta ah ee Dalkaasi u matala ama ka jooga.

Sidoo kale, Dalal aad u tira badan ayaa Arbacadii Shalay Shaaciyey inay xidhiidhkii ay la lahaayeen Dalka Qatar ay joojiyeen, waxaana Dalalkaasi ka mid ah Senegal iyo Mauritania, kuwaasi oo caddeeyay inay xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay Qatar ay jareen, halka Dawlada Jordan shaacisay in ay hoos u dhigtay, balse aanay wada jarin.

Hore waxa Qadar xidhiidhka ugu gooyey Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Maldevis, Madar iyo Yemen.

Ugu dambayn, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh iskaashi  la leh Dalalka Khaliijka Carabta, sida Isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaan illaa hadda wax war ah oo ku saabsan Mowqifkeeda ka soo saarin khilaafka ka dhex Qarxay Qadar iyo Dalalka kale.

Wednesday, June 7, 2017

Tuesday, June 6, 2017

thumbnail

Somaliland oo marmarsiyo cajiiba u sameysay sababta Buubaa loogu diiday dhoofka

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in dhoofka loo diido Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo doonaayay inuu ka Safro magaalada Hargeysa.

Maamulka ayaa sheegay inay jiran sababo ku khasbaaya diidmada dhoofka Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa ayna sababta ku sheegen in Siyaasiga uu watay Baasaboor-ka Diblumaasiga ee Soomaaliga ah.
Sargaal ka tirsan Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Siyaasiga uu yahay muwaadin Somaliland ah, sidaa darteedna laga doonaayo inuu qaato aqoonsiga Somaliland.
Sargaalka waxa uu tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu mudan yahay in la xushmeeyo, balse aan laga maarmeynin in la dhowro sharciga.
Maxamed Muuse diiriya oo ah Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha maamulka Somaliland, ayaa dhankiisa ka sheegay in maamulka uu kala qaadayo sharciga iyo shaqsiyada qofka, waxa uuna diidmo ka muujiyay suuragalnimada in Siyaasiga uu magaalada Hargeysa kaga dhoofo Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliga ah.
Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha maamulka Somaliland, ayaa intaa raaciyay in Somaliland ay tahay dal ka madaxbanaan Somalia inteeda kale.
Waxa uu tilmaamay inay mamnuuc tahay in Somaliland looga dhoofo Baasaboorka Soomaaliga, waxa uuna danbiile ku tilmaamay cidii kasoo jeeda Somaliland ee isticmaaleysa Baasaboorka.
Dhinaca kale, Siyaasiga Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia ayaa xiliga la xayiraayay ku sii jeeday dalka Kenya.

Monday, June 5, 2017

Sunday, June 4, 2017

thumbnail

DF oo war culus ka soo saartay siyaasiyiinta hubkooda kala baxay Muqdisho

Wasiirka Warfafinta Somaliya Cumar Cisman (Yarisow) ayaa la hadlay howlgalka hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo sababta dowladda ku kaliftay.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday dilalka qorshaysan ee ka dhaca magalada muqdisho loona geysto wax garadka iyo musliyiin katirsan dowladda Somalia, kuwaasi oo sidii loo joojin lahaa uu qeyb ka yahay howlgalkan.
Injineer Yariisow, yaa sheegay in dilalka Muqdisho aysan Al-Shabaab oo kaliya aysan fulin, balse ay jiraan dad kale oo ku lug leh sida uu hadalka u dhigay, ayna caddey u tahay in dad badan ay hadda billaabeen inay hubkooda kala baxaan magaalada.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasiyiin la sheegay inay hubkoodka kala baxsadeen howlgalka hubka dhigista, wuxuuna sheegay inaan laga hari dooni dadkaas oo laga dabi tagi doono.

Ma cadda waxa uu wasiirka ula jeedo in dadkaas laga dabi tagi doono iyo halka uu ku ogyahay inay joogaan.
Yariisow ayaa ka mid ah shaqsiyaadka u dhashay magaalada Muqdisho ee loo adeegsanayo howlgalkan oo dad badan ay aaminsan yihiin in si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo jeeda beesha uu wasiirka ka dhashay.

Saturday, June 3, 2017

thumbnail

WASIIR XAGLO-TOOSIYE OO FASHILIYEY SIR CULUS OO KU SAABSAN CIDDA SOO DIRTAY DIYAARAD DAWOOYIN SIDAY OO UU WASIIR CALI MAREEXAAN SHEEGAY IN UU ISAGU SOO IIBIYEY.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer oo goordhawayd shir

Thursday, June 1, 2017

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *