Friday, June 23, 2017
NIN U DHASHAY DALKA YAMEN OO XATOOYO BADAN U GAYSTAY MEHERADO GANACSI OO HARGEYSA KU YAALA IYO CIIDAMADA BOOLISKA OO KU HAWLAN SOO QABASHADA NINKAASI
Nin dhalashadiisa la sheegay inay tahay Yamen ayaa jabsaday meherado ganacsi oo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Tuesday, June 20, 2017
QARAX DAD BADAN KU DHINTEEN OO GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO
In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay gudaha xarunta degmada Wadajir, iyadoo gebi dhaan dhismaha xarunta
Monday, June 19, 2017
Amin Arts oo soo saaray sawir uu ku muujinayo Faarax iyo Sharma’arke oo Xajka joogo kuna duceysanayo wax yaab badan
Farshaxaniistaha ugu weyn Soomaaliya Amin Arts oo inta badan looga bartay inuu soo sawiro sawir gacmeedyo muujinayo waxyaabo ka jiro Soomaaliya iyo kuwa xikmad jirto inkastoo mararka
Wednesday, June 14, 2017
GARSOORE ABAALMARIN KU HELAY XUKUN UU GAADHAY OO NOQDAY GO’AANKII UGU XUMAA ADDUUNKA.
(HTN-Nairobi)-Garsoore dalka Kenya u dhashay oo sii daayey nin lagu helay inuu fara-xumeeyey gabadh 13 jir ah, ayaa lagu abaalmariyey billad caalami ah oo muujinaysa xukunkii ugu xumaa ee lagu go’aamiyo xuquuqda haweenka sannadkii hore.
25kii bishii April ee 2016-kii, ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya garsoore ka mid ah uu sii daayey nin 20 sannadood lagu xukumay oo la yidhaa Martin Charo, kaasoo lagu helay inuu si khiyaamo ah u faraxumeeyey gabadh 13 jir ah intii u dhexaysay December 2011 iyo January 2012.
“Inkastoo gabadh yar oo ka yar da’da qaangaadhka aanay bixin karin oggolaanshaha galmada, haddana caddaymaha uu maxkamadda la tusay waxay sheegayaan in ay isu dhiibtay, qaangaadhna u ahayd arrintaas. Waxa ay iska dhigtay gabadh weyn oo ninkana iyadaa u tagtay,” ayuu yidhi xaakin Juma Chitembwe oo xukunkaas ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu xukunka xumaa caalamka sannadkii 2016.
Xukunkan waxa garsooraha lagu siiyey billad tilmaamaysa caddaalad-darradiisa oo lagu bixiyo xarunta la yidhaa Golden Bludgeon oo dalka Spain ku taal, waxana si rasmi ah ugu dhawaaqay Arbacadii toddobaadkii hore ururka Weomen’s Link Worldwide, iyagoo sidoo kalena 18 kiis oo kale ku sifeeyey inay ahaayeen xukumadii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda haweenka sannadkii hore.
Abaalmarinta Golden Bludgeion Award waa abaalmarin sannadle ah oo lagu aqoonsado xukunnada maxkamadeed kuwa ugu fiican iyo kuwa ugu xun ee labka iyo dheddiga (Gender) caddaaladdooda ku saabsan.
MA OG TAHAY IN XAWAARAHA BIXISTA TIMUHU KU XIDHAN TAHAY QAARADDA AAD KA SOO JEEDDO
Akhriste, ma’ ogtahay in timaha dadka isir ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya ay celcelis ahaan bishii baxaan inta u dhexeysa 1.5 illaa 2 Sentimitir, halka timaha
dadka Afrikaanka ahi ay celcelis ahaan bishii baxaan Sentimitir badhkii (0.5), timaha dadka ka soo jeeda gobalka Qawqaas ee dhaca xuduudka qaaradaha Eeshiya iyo Yurub ay bishii baxaan qiyaas ah 1 Sentimitir?
Ma’ se ogtahay in nidaamka cunto ee aan isu dheellitirnayn, dhibaatooyinka caafimaad, xadgudub dibadda kaga yimaadda iyo ku talaxtagga isticmaalka maaddooyinka kiimikada ka samaysani ay curyaamiyaan korniinka timaha?
Waxa se’ qosol leh in hababka ugu fiican ee aad timaha dheeraantooda ku daryeeli kartaa ay tahay in aad gaabiso timaha marka uu dayaxu dhammaystirmo (Caddada buuxda oo ah 14 ka bisha dayaxa).
Ma se’ ogtahay in ay jiraan habab dabiici ah, oo hidde ahaan loo soo kala dhaxlay, oo qofka doonaya in uu timaha daryeelaa mari karo isaga oo kaga maarmaya hababka casriga ah ee kharashka badani ku kaco ee hadda loo isticmaalo daryeelka timaha.
Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa ina tusaysa qaar ka mid ah hababkaas dabiiciga ah iyo waxtarkooda.
1. Duugista lafta madaxa
In muddadiiba mar madaxa la duugaa waxa ay firfircooni gelisaa wareegga dhiigga ee timaha gaadhaya, waxa aanay dedejisaa bixitaankooda. Sidaa awgeed xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in la joogteeyo toddobaadkiiba mar in la duugo madaxa iyada faraha hore ee gacanta muddo shan daqiiqo ah loogu duugayo hab goobo. Wareeg ah (Gacanta duugaysa loo dhaq-dhaqaajinayo qaab wareeg ah), duugista kadibna lagu dhaashiyo dufan timaha nafaqo u yeelanaya.
2. Muudka basasha
Xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in muud ama casiir ka samaysan basal lagu darmo malqacad malab ah, kadibna la mariyo madaxa, iyaga oo sheegay in ay taasi firfircooni gelinayso wareegga dhiigga ee madaxa, xoojinaysana bixitaanka timaha.
3. Cunto isu-dheellitiran
Waxa ay khubarada caafimaadka timuhu tilmaamayaan in caafimaadka timuhu uu yahay halbeeg laga qiyaaso caafimaadka jidhka, si toos ahna ay ugu xidhan tahay nidaamka cunto ee isu dheellitiran ee uu qofku qaato. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah, in qofka danaynaya timihiisa dhererkooda iyo quruxdoodu uu raaco caadooyin cunto oo caafimaad qaba, iyo in uu badsado isticmaalka khudradaha kala duwan ee Faytamiinnada leh.
4. Timaha gaabintooda iyo dayaxa
Inkasta oo aan illaa hadda si cilmiya arrintan loo sugin, haddana waxa ay qaar badan oo khubarada caafimaadka timaha ka mid ahi ku talinayaan in timaha la gaabiyo marka uu dayaxu buuxsamo, ama labada maalmood ee ka horreeya buuxsankiisa (12 iyo 13). Dadka isdan aaminsani iyaga oo arrintaas sababaynaya waxa ay sheegayaan in ilayska dayaxu saamayn ku leeyahay dhirta, xayawaanka iyo dadka intaba.
Qatar oo qaadatay go’aan ay uga aargudaneyso Jabuuti iyo Eritrea oo la saftay Sacuudiga
Dowladda Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ciidamadeeda nabad ilaalinta kala soo bixi doonto xuduuda muranka dhalisay ee u dhaxeyso dowladaha Djibouti iyo Eritrea
kadib markii ay labadaan dowladood la safteen go’doominta Sacuudiga iyo xulafadeeda ay saareen dalka Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar wax sabab ah uma yeelin go’aankaan oo imaanayo xilli ay cadaadis Diblomaasiyadeed kala kulmeyso qaar ka tirsan dowladaha dariska ee Carbeed kadib markii ay ku eedeeyen inay taageerto islaamiyiinta iyo dalka Iiraan, inkastoo ay Doha arrintaas gaashaanka ku dhufatay.
“ Qatar waxay dhex dhexaadiye diplomaasiyadeed oo dhex dhexaad ah ka aheyd xallinta dhibaatooyinka u dhaxeeyo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, welina waxay diyaar u tahay inay kaalin libaax leh ka qaadato” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Qatar.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala soo bixi doonto halkaas inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada halkaas ka joogo, waxayna sheegtay inay go’aankaas ku wargelisay dowladda Jabuuti.
Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen guddiga dabagalka iyo Qiimeynta Qaramada Midoobay, dowladda Qatar waxaa xuduudda Djibouti iyo Eritrea ka joogo Ciidamo gaarayo ilaa 200 oo Askari
Qatar ayaa xiriir dhow la laheyd dalka Eritrea waxayna ciidamo aan sidaas u badneyd oo nabad ilaalin ah geysay xuduudaha ay la leedahay dowladaha Geeska Africa sanadkii 2010 markii ay halkaas ka dhaceyn dagaalo ku saabsan muran xagga dhulka ah sanadkii 2008, sidoo kalana waxay ka caawisay heshiisyo dhex dhexaadin nabadeed ah.
Dowladda Jabuuti ayaa asbuucii hore ku dhawaaqday inay hoos u dhigtay xiriirka ay Qatar la laheyd iyadoo ilaalineyso midowga la dagaalanka argagixisada iyo midnimada dowladaha Carabta iyo Khaliijka.
Subscribe to:
Posts (Atom)
About
Blog Archive
-
▼
2017
(245)
-
▼
June
(27)
- DALALKA CARABTA OO 13 SHARDI KU XIDHAY INAY XAYIRA...
- NIN U DHASHAY DALKA YAMEN OO XATOOYO BADAN U GAYST...
- QARAX DAD BADAN KU DHINTEEN OO GOOR DHAWAYD KA DHA...
- Amin Arts oo soo saaray sawir uu ku muujinayo Faar...
- GARSOORE ABAALMARIN KU HELAY XUKUN UU GAADHAY OO N...
- MA OG TAHAY IN XAWAARAHA BIXISTA TIMUHU KU XIDHAN ...
- Qatar oo qaadatay go’aan ay uga aargudaneyso Jabuu...
- HOGGAAMIYE XIRSI CALI XAAJI XASAN OO KA HADLAY WAK...
- Laba wajiilenimada Mareykanka: Qatar oo shaaca ka ...
- XANUUNKA SHUBAN-BIYOODKA OO SOO RITAY 123 QOF, BAA...
- Qarax aad u culus oo Caawa laga maqlay magaalada M...
- Wafti ka socda Qatar oo Muqdisho ku sugan (Hal qor...
- Madaxda Khaliijka oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan...
- SOMALILAND OO LA SAFATAY SUCUUDIGA XIDHIIDHKANA U ...
- SOOMAALIYA OO MEEL DHEXE ISKA TAAGTAY KHILAAFKA DA...
- Maxaa ka jira in ciidamo ka tirsan Puntland Gowrac...
- MADAXWAYNE SIILAANYO OO SAFAR UGU BAXAYA DALKA IMA...
- Turkiga oo ciidamo u diraya dalka Qadar, xilli xii...
- Somaliland oo marmarsiyo cajiiba u sameysay sababt...
- Xiisadda dalalka Carabta oo ka sii dartay kadib wa...
- Qatar flights using Somali airspace
- Loolanka Sacuudiga iyo Qatar: Saameynta Somalia iy...
- Siyaasi Soomaaliya caan ka ah oo loo diiday inuu k...
- DF oo war culus ka soo saartay siyaasiyiinta hubko...
- WASIIR XAGLO-TOOSIYE OO FASHILIYEY SIR CULUS OO KU...
- Muqdisho: Degmooyin is-beddel laga dareemay iyo de...
- DAWLADA ITOOBIYA OO KA HADASHAY ISTICMAALKA DEKADD...
-
▼
June
(27)
Powered by Blogger.